Maxay Khasab! Utahay Inad hada wax akhriska Bilowdo?
"WAX-AKHRINTU WA: FURAHA GUUSHA" Alle weyne waxa uu yidhi “ Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray (khalqiga) (1), Dadkana ka abuuray calaq (2), akhri Eebbena waa kan sharafta lehe (3), ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro (4), dadkana baray wax ayna aqoonin (5). Aayadahan Quraanka ah waxa ay ka mid yihiin Suurada (Al-Calaq) oo ah suuradii ugu horay ee kusoo degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuradan waxaynu ka arki karnaa in furaha guushu Tahay wax akhris. Wax akhrisku waxa uu qofka ka dhigaya ama barayaa wax uusan aqoon , dunidan maanta waxa lagu tartamaa waa aqoon. Aqoontuna waa in qof ama dad garanayaan wax aysan kuwa kale garanayn. Dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan diin, midab, dhaqan iyo degan isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku guulaysteen kala duwan yihiin- mid ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u guulaysta waxaa jira hal wax ...