Maxay Khasab! Utahay Inad hada wax akhriska Bilowdo?
"WAX-AKHRINTU WA: FURAHA GUUSHA"
Alle weyne waxa uu yidhi “ Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray
(khalqiga) (1), Dadkana ka abuuray calaq (2), akhri Eebbena waa kan sharafta lehe (3),
ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro (4), dadkana baray wax ayna aqoonin (5).
Aayadahan Quraanka ah waxa ay ka mid yihiin Suurada (Al-Calaq) oo ah suuradii ugu horay
ee kusoo degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuradan
waxaynu ka arki karnaa in furaha guushu Tahay wax akhris. Wax akhrisku waxa uu qofka ka dhigaya ama
barayaa wax uusan aqoon , dunidan maanta waxa lagu tartamaa waa aqoon. Aqoontuna waa
in qof ama dad garanayaan wax aysan kuwa kale garanayn.
Dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan diin, midab, dhaqan iyo degan
isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku guulaysteen kala duwan yihiin- mid
ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u
guulaysta waxaa jira hal wax oo ay dhammantood ka siman yihiin waana wax-akhrinta.
Og Mandino waa nin aad u caan ah oo ahaan jiray askari duuliye Maraykan ah oo ka qayb
galay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu duqaymo ka geystay Jarmalka. Markii uu
dagaalku dhamaaday waxa uu ku biiray addeegyada caymiska. Mandino waa ku fashilmay.
Subax ka mid ah maalmahaas waxa uu go’aansaday in uu is dilo, isaga oo ku socda meeshii uu
isku dili lahaa ayuu arkay maktabad wax akhris waa uu galay, ka dib waxa uu akhriyay buugta
dhiirigelinta gaar ahaan buuga uu qoray Napolean Hill ee la yidhaa “Think and grow rich”,
maalintaa ka dib waxa uu sii waday wax-akhriskii oo Gabi ahaan ba ka hakiyay in uu is dilo naftiisana is dhaafiyo. Waxa uu qoray
buug badan oo uu ugu caansan yahay “The worlds greatest salesman” oo laga daabacay in ka
badan 50 malyuun oo lagu turjumay in ka badan 25 luuqadood oo luuqada somaligana ku jirto.
Marka Halkan Waxa aan ka baran karnaa in wax akhrisku kaa saari karo cidhiidhi kasta oo aad nolosha kaga jirto ama ad
dareemayso cagtana kuu saari karo toobiyaha guusha. Hadaba Waa maxay faa’iidooyinka akhrisku?
Sideen wax u akhriya? Shax nooce ah Ayaan dejistaa si aan wax u akhriyo? Maqaalkan kooban
ayaa ka jawaabaya weydiimahas odhan
“Wax akhri- Wax akhri- Wax akhri-“
1:- Akhrisku wuxuu maskaxda Dawo uga yahay dhibaatooyinka
In aad maskaxdaada ku daabacdo buug badan oo aad akhrido waxay dareenkaaga siinaysaa inmaskaxdu ka fogaato dhibaatooyinka kale ee ku xeeran diiradana saarto yoolkeda ama
waxyaabaha kale ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta. Akhrisku wuxuu kuu ifinayaa
dhaqano badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogayn inay
jiraanba.
Wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto ama aad u qabato soda
wax aad u malayn jirtay in aan la samayn karin ama la gaari karin ood sidii si kaduwan u aragto.
Murti ayaa waxay leedahay “Qofka aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan Xaraf kicin karin” waxaa yidhi Mark Twain.
2:- Wax akhrisku waxa uu quudiya maskaxda sida ay cuntaduba caloosha ama jirka ugu quudiso.
Maskaxdeenu waa wax Yar oo hadana aad u awood badan hadba inta xog la geliyo ayay soo saartaa. Xubinkasta jidhka bini Aadamka ah waxay ubaahan tahay in shaqo loo diro ayna qabato . Calooshu
waxay u baahan tahay cunno lagu quudiyo, jidhku wuxuu u baahan yahay jimicsi lagu quudiyo
sidoo kale maskaxdu waxay u baahan tahay quudin joogto ah waana in ay wax akhrido.
Wax akhrisku waxay baahi tirtaa maanka gaajaysan iyadoo siisa aqoon iyo waayo aragnimo
aan dhamaad lahayn. Akhrisku wuxuu inaga caawiyaa in ay maskaxdeenu balaadhato oo
xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado.
3:- Akhrisku wuxuu horumariyaa xiriirka iyo qaabka qofku u hadlo
Aqoon badan oo aad akhriska ku kasbataa waxay kaa caawin kartaa in aad si weynuga qayb qaadan kartaa doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad bilowdo
dOodo wax ku ool ah. In aad hayso xog ka badan kuwa kale, waxay faa’iido kuugu
tahay inaad dhinacooga dhulka dhigto waayo waxaad si qoto dheer u haysaa xoggo
badan oo la xiriira mawduuca markaas taagan.
4:- Wax Akhrisku Wuxuu Koriyaa Maskax Daada
Buugta sheekooyinku waxay ku gaynayaan adduunyo aad iyo aad kaaga fog taasi oo aad ka dhex arki karto waxa ka dhacaya nolosha dadkaas isla markaana aad
suuraysan doonto. Marka aad yeelato maskax wax qaabilaysa waxaad dhaxli
doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa xilkasnimo, xeel dheeri iyo
dhiiranaan.
5:- Dhamaan hogaamiyayaasha iyo kuwa guulaystay waa akhristayaal
Buugtu waa wax aad u awood badan oo badala nolosha aadanaha. Dhamaan dadka
guulaystay waxay sheegaan in buug ay akhristeen inta badan badalay noloshoodii
kuna hogaamiyay guulaha ay gaareen.
Xogta iyo aqoontu waa awood taasi oo ah toobiyaha guusha, haddii aad aqoonta
saxda ah ku daabaasho noloshaada waxay kugu hagaysaa guul midho dhal ah.
6:- Wax akhrisku wuxuu dhiirigeliyaa hal-abbuurnimada
Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu korodhsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo addeegsado horumarinta
naftu waa akhriska.
Wax akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Mid ka mid
ah faa’iidooyinka akhrinta buugta, warsidaha ama maqaalladu waa inay kuu koriso
maskax ahaan iyo ruux ahaanba, akhrisku wuxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u
fikirayo, inuu wax diirada saarto taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh isla
markaana la jecel yahay.
7:- Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa caafimaadkaaga
Dad oo dhami waxay ogaal uyihiin in akhrisku uu leeyahay daganaan iyo raaxo lagudareemo xiliga habeenkii, wuxuu si tartiib ah ah kuugu dhalin karaa hurdo, sababtoo ah
waxa uu kaa saarayaa kadeedki howlaha adduunyo ee maalintas odhan qofku soo
maray isla markaana maskaxda ayuu u furayaa bog cusub oo lagaga nasto
hagardaamadii iyo kadeedki maalinkaas.
Comments
Post a Comment